Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdishakuur” Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha...

Cabdiraxman Cabdishakuur” Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed”

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay dooda culus ee ka dhalatay taageeradii uu maamulka Koonfur Galbeed u muujiyay ciidamada Itoobiya ee hadda jooga Soomaaliya.

Warsame ayaa ayaa shaaca ka qaaday in Koonfur Galbed aysan heshiis bada lagu bixiyay aysan la gelin Itoobiya, isla markaana aanu jirin sabab loo beegsado maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in laga haboon yahay in arrinta la qabiileeyo, isla markaana dano gaar ah oo siyaasadeed ooga faa’iideysto xiisadda taagan.

Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in difaaca dalka iyo danaha qaranka ay mas’uul tahay dowladda Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay tahay cida leh go’aanka ay ku joogayaan ama ay ku baxayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed, waxna kama galo oday magac qabiil ku hanjaba iyo shaqaale rayad ah oo siyaasad lugaha loo geliyo, balse waa kaga sii dareen, maadaama uu hadalkoodu dhiilo qabiil kiciyey, bulshadiina kala irdheeyey.

Waxaase damaca looga hortegi karaa midnimo gudaha ah, dadaal diblomaasiyad oo dibedda ah iyo siyaasad waaqici ah oo lagu dheelitiro duruufaha qalafsan ee dalkeenna ka jirta ee keenay in Itoobiya looga maarmi waayo nabad ilaalin iyo la dagallanka AS.

Reer Koonfur Galbeed lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin ciidankeeda nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ah ee ciidankeeda ATMIS ka baxsan dalka ku joogaanna lama gelin, waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado.

Soomaaliyeey waa in aan garawsanaa in ku xadgudubka gobonimada dalkeena uusan qabiil ama maamul gobol midkoodna wax ka goynin. Dowlad-qaran uunbaa dal difaaci karta, waxna ka goyn karta loollaanka joqraafi siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan kan la xariira amniga Badda Cas iyo biyaha Webiga Niil, iskumana heli karno in aan kala adkaanno, cadawgeenana ka adkaano, mana jiro maanta cudur nooga wayn hoggaan xumo iyo midnimo la’aan.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleAlshabaab u isku aruursanaayay Galmudug oo Duqayn lagu Garaacay
Next articleWaa Sidee Xaalada Maantay goobihii Galmudug oo ee Shalay Dagaalada Qaarar ka Dhaceen?