Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo sheegay in Dalka uu galay Xaalad Hogaamiye kooxeed

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo sheegay in Dalka uu galay Xaalad Hogaamiye kooxeed

0

Siyaasig Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahne gudoomiyaha Xisbiga Waradajir oo ka hadlay xaalada dalka uu marayo ayaa sheegay in wadanku uu galay waji hugaamiye kooxeednimo, isaga oo madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ku eedeyay in uu jabinayo sharciga iyo xeerka dalka u yaala.

Waxaa warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay maanta maagalada muqdisho isaga oo sheegay in ay halis galineyso haddii farmaajo la aqoonsado waxii la soo tabcayay labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa kale oo uu daaha qaaday in xiriir hoose  uu Ereteritya kala dhaxeeyo Farmaajo, taasi oo kala geyneysa soomaaliya iyo beesha caalamka.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur warbasame ayaa sheegay in uu magaalada muqdisho ka soo fuqsaday boorarkiisii musharaxnimo, waxaana uu ku micneeyay in doorasho iyo musharaxnimo aysan jirin.

Waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Maamul Goboleeedyada taageeray sharcigii ay  meel mariyeen baarlamaanka soomaaliya, madaxweynaha waqtigiisu dhamaadayne uu saxixay, waxaana uu sheegay in ay ku shaqeeyaan amarka dowlada dhexe.

Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay go’aankii ay Golaha Shacabka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu kordhiyeen dowladda Soomaaliya, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadalada dib loogu soo laabto lana qabto doorasho iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDeg Deg Janaraal Saadaq Joon oo Ciidamo Fara badan wata ayaa Goor dhaw Degay Xaafadaha Albaraka iyo Shiirkole
Next articleXildhibaano ku baaqay in La difaaco Saadaq Joon Dagaalna ku baaqay