Home Wararka Maanta Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha...

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Puntland.

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ballanqaaday inay doorashada madaxtinimada Puntland oo haatan ka dhiman tahay sanad iyo dhowr bilood ay ku dhici doonto waqtigeedii 8-da January 2024, islamarkaana aanu waxba iska beddelin jadwalkaas.

Cabdirashiid oo sidoo kale ka hadlay dimuqradiyadda Puntland, ayaa bulshada ka codsaday in lasoo dhoweeyo nidaamkan isagoo hambalyeeyey fariisinta golaha deegaanka degmada Eyl oo ka mid ah seddexdii degmo ee ku yimid doorashada qof iyo cod.

Hase yeeshee, uma muuqato in Puntland ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, maadaama hadda un ay tijaabada arrintaas ay socoto, waxaana mar kale madaxweynaha dooran doona Golaha Wakiilada.

Madaxweynaha iminka ee Puntland Saciid Deni ayaa la filayaa inuu mar kale xilkaas isku sharxo, hase yeshee ma badna rajada uu dib ugu soo laaban karo, ayada oo Puntland ay caan ku tahay in aanay dib usoo celin madaxweyne xilka mar qabtay.

Madaxweynayaashii ka horreeyey Deni, sida Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole ayaan labadaba dib loo soo dooran.

Si kastaba, bilihii dhowaa afarta maamul goboleed ee kala ah; Galmudug, HirShabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa dheereeyey muddo xileedka baarlamanka iyo madaxweynaha oo ay ku direen hal sano, inkasta oo sharci-darro lagu tilmaamay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamo Farabadan oo Ku Wajahan Ceelbuur oo Soo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo sameeyey ballan qaad cusub oo ka dhan kooxda Al-Shabaab