Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo saartay xukunka Dable Boolis Cabdikaafi Nuur Yuusuf, oo isagu muwaadin u dilay muran kala dhexeeyay askari kale.
Muran dhex-maray marxuumka iyo Sarkaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhex-galay, waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay.
Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka, oo isla goobtii ku naf baxay.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.