Home Wararka Maanta Cabdifitaax Xayir Ciise oo loo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan

Cabdifitaax Xayir Ciise oo loo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan

0

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa gudoomiye cusub loogu magacaabay Degmada Hodan, kadib markii la dilay Gudoomiyihii degmadaasi.

Cumar Finish ayaana u magacaabay Gudoomiyaha degmada Hodan Cabdifitaax Xayir CiiseĀ  oo ilmo adeer la ah Gudoomiyihii la dilay ee Degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) .

Wareegtada Cumar Finish ayaa lagu faray Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Hodan in si deg deg ah xilka ula wareego si loo dar dar galiyo howlaha shaqo ee maamulkaĀ  degmada Hodan.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa bishii hore agagaarka isgooska Howlwadaag ku dilay Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun maalin kadib markii uu kasoo laabtay howlo caafimaad uu u aaday dalka Turkiga kadib qarax lagu dhaawacay.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hayā€™adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hayā€™adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleRaisal Wasaare Rooble oo amar ku bixiyay Furista Wadada Dabka ee la xiray
Next articleMidowga Musharixiinta Dalka oo ku dhawaaqay Banaan-bax weyn oo muqdisho ka dhaca