Home Wararka Maanta Cabdicasiis Cabdi oo 64 sanno jir ah oo Dil argagax leh ugaystay...

Cabdicasiis Cabdi oo 64 sanno jir ah oo Dil argagax leh ugaystay Maxamed Siciid oo 55-sanno jir ahaa

0

Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ka dhacay dil ay aad uga argagaxeen Soomaalida kunool dalkaasi, waxaana hadda socda baaritaano ay wadaan booliiska oo ku aadan dilkaasi iyo sababta keentay.

Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cabdi oo 64 sanno jir ah ayaa loo xiray kiiskan dilka ah, waxaana ninkan la sheegay in uu rasaas huwiyay nin kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabayay Maxamed Siciid Maxamed oo 55-sanno jir ahaa.

War kasoo baxay booliiska dalka Canada ayaa lagu sheegay in falkan dilka ah uu ka dhacay dhismo kuyaalla xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Etobicoke , waxa ayna booliiska xaqiijiyeen in ay xireen ninka dilkan lagu tuhmayo.

Ninka la dilay ee Maxamed Siciid ayaa warar soo baxaya sheegayaan in dhyawwaan uu tagay magaalada Toronto, lamana oga ilaa hadda waxa sababay dilkan loo geestay ninkan da’da ah uu sidoo kale nin kale oo isma da’ ah.

Ad
Previous articleSADEX qodob ka ogow maalqabeennada wadkooda ku iibsaday wax ka badan hal malyan
Next articleImaaraadka Carabta oo ku Faanay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee New York.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here