Home Wararka Maanta Cabdi xaashi iyo Boqor Buurmadoow oo Ku Dhawaaqay inay Doorashada Ka Baxeen...

Cabdi xaashi iyo Boqor Buurmadoow oo Ku Dhawaaqay inay Doorashada Ka Baxeen Raysulwasaaraha Eed Culus u jeediyay

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Boqor Cusmaan Ow Max’uud Buur-madoow oo ay garab taagnaayeen Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta sheegay inay qaadaceen doorashada Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale eedeymo u jeediyey RW Rooble.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa dalbaday in la joojiyo Jadwalka Doorashada Reer Waqooyiga ee dhawaan la soo saaray, isaga oo sheegay in boob lala damacsan yahay.

“Doorashada waxaa muhiim ah in loo qabto si la isla ogyahay, waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo dadka ku howlan wadida doorashada inay joojiyaan” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Dhinaca kale Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa isna sheegay inay ka  baxeen doorashada Soomaaliya, ayna u cadeynayaan Beesha Caalamka in Ra’iisul Wasaaraha dalka uu faragelin iyo boob ku haayo doorashada xubnaha Somaliland.

“Waxaan halkan isugu nimid inaan u cadeyno Beesha caalamka iyo Soomaaliba inaan ka baxnay doorashada Marka aan garan wayney cid aan kaga Dacwoona Raisul Wasaaraha, Beeshiisa Habargidir Xitaa waxba waa ka qaban weyday dacwadeenii” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaan weli ka hadlin eedeynta loo soo jeediyay, waxayna tani ku soo aadeysaa xili  doorashooyinkii xubnaha golaha shacabka ay ka bilowdeen dhamaan dowlad goboleedyada dalka, ayna soo shaac baxayaan in weli uu socdo boobkii lagu hayey doorashooyinka.

Ad
Previous articleDeg Deg Dilal ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Maydad lasoo Helay
Next articleGalmudug oo shaacisay 7 Kursi oo dhawaan Lagu dooranayo Galmudug (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here