Home Wararka Maanta Caalamka: Xuutiyiinta oo Sharuud ku xiray Maraakiibta isticmaaleysa Badda Yaman

Caalamka: Xuutiyiinta oo Sharuud ku xiray Maraakiibta isticmaaleysa Badda Yaman

0

Maraakiibta waa in ay ogolaansho ka helaan maamulka arrimaha badda ee Xuutiyiinta ka hor inta aysan soo gelin biyaha Yemen, ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xuutiyiinta Misfer Al-Numair.

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah duqeyn iyo weerar ulla beegsanayey maraakiibta mara gacanka cadmeed tan iyo bartamihii bishii November, iyaga oo sheegay inay weerarayaan maraakiibta laga leeyahay Israel, UK iyo Mareykanka.

Xuutiyiinta ayaa sheegay inay joojin doonaan weeraradooda marka xabad joojin laga dhaqan geliyo Marinka Gaza, loona ogolaado shacabka Falastiin gargaarka caalamiga ah.

Dhacdadii ugu dambeysay, Hay’adda Ganacsiga Badaha ee UK ayaa Isniintii sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan in Markab ay waxyeelo kasoo gaartay laba qarax, meel 91-miles koonfur-bari ka xigta magaalada Cadan, balse ma jiraan wax dhaawac ah.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu badda ku degay Markab laga lahaa UK oo siday sunta bacraminta, Markabkaasi Rubymar ayey Xuutiyiinta ku dhufteen sadex gantaal.

Ad
Previous articleSweden: 50 Sano jir lagu helay Kufsiga Labo Gabdhood oo 11 Sano jir ah
Next articleCaalamka: Israel oo Mar kale Rasaas ku furtay Shacab gar-gaaar sugayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here