Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay uga tanaasuli lahayd.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Sabtida soo socota ay wada hadal fool ka fool ah yeelan doonaan labada dhinac, inkastoo Tehran ay ka gows-adeygtay in wafdigeeda ay horfariistaan kuwa Mareykanka.
Iran waxay soo dhaweysay in dhinacyadu wada hadlaan, waxayse shuruud ku xirtay qaabka loo wada hadlayo, marka la isugu tago dalka Cumaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in wada hadaladu ay qabsoomi doonaan, keliya marka uu Mareykanku aqbalo wada hadal aan toos ahayn, oo cid ay u dhaxeynayso labada dhinac.
Wasiir Araghchi ayaa la filayaa in uu hoggaamin doono wafdiga Iran uga qaybgelaya wada hadalka, halka dhinaca Mareykankana uu hoggaamin doono Steve Witkoff, oo ah Ergayga Madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe.
Indhaha dunida ayaa ku sii jeeda wada hadalka labada dhinac uga qabsoomaya Magaalada Muscat, walow aan la aqoon qaabka ay wada hadaladan u dhacayaan.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa muddooyinkan cadaadis ku saarayay Iran, sidii ay ula geli lahayd Washington heshiis rasmi ah, oo caddeynaya inaanay Tehran sameysan doonin hubka wax gumaada.
Talooyinka loo jeedinayo labada dal ayaa ah in kulanka Muscat uu noqdo wada hadal hore oo lagu ogaanayo in heshiis la gaari karo iyo in kale.