Home Wararka Maanta Caabudwaaq oo lagu Soo Bandhigay Ciidamo iyo Gaadiid ka Qayb qaadanaaya Xoraynta...

Caabudwaaq oo lagu Soo Bandhigay Ciidamo iyo Gaadiid ka Qayb qaadanaaya Xoraynta Degmada Ceelbuur(Sawiro)

0

Magaalada Cabudwaaq ee gobolka galgaduud waxaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo bulsho diyaar u ah inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka Alshabab looga xoraynayo guud ahaan dalka si gaar ah deegaanada galmudug.

Bulshada maanta banaanka la timid hubkooda iyo gadiidkooda ayaa ka mid ah beelaha dega waqooyiga gobolka gaduud iyaga oo muujiyey dareenkooda ku aadan in ay qayb ka noqnayaa beelaha dowladda ku gacan siinaya ka guulaysiga Alshabaab.

Masuliyiintii la hadashay mujaahidiinta banaanka u yimid inay naftooda iyo maalkooda u huraan xoraynta dalka ayaa sheegay bulshada degta degmada cabudwaaq lagu yaqaano sida ay diyaarka ugu tahay jabinta kooxda Alshabaab.

Dhanka kale Magaalada Cabudwaaq waxaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo loga qayb qadanayo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Alshaab ee Wali Kusuga Qaybo ka Mid ah Galnudug.

Ad
Previous articleXog laga helay wiil Soomaali ah oo Mareykanka ku dilay gacalisadiisa kahor inta uusan is dilin
Next articleWararkii ugu danbeeyey Ciidamadii ku sugnaa Dhuusamareeb oo u dhaqaqqay Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here