Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed C/Wali Muudeey oo Ka Hadlay Cida Safarkiisa Hor istaagtay iyo Talaabada Xigta...

C/Wali Muudeey oo Ka Hadlay Cida Safarkiisa Hor istaagtay iyo Talaabada Xigta oo uu Qaadi Doono

0

Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka xiligiisu dhamaaday ee Somalia C/wali Ibraahim Muudey ayaa ka hadlay cida maanta is’hortaaga ku sameysay safar uu ugu ambabixi degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

C/wali Ibraahim Muudey ayaa ka qeyb rabay tartanka kursi ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo degaan doorashadiisu tahay degmada Baraawe.

“Qolada shirkada dayuurada aan raaci rabay markaan weydiiyey sababta ay iigu dideen inaan raaco dayuuradooda waxay ii sheegeen in maamulka Koonfur galbeed ay sidaas ku amreen, qolada aviationka baraawe ay ugu hanjabeen iney soo ridi doonaan dayuurada hadii aan raaco” ayuu yiri Muudey.

isagoo sii wata hadalkiisa ayaa C/wali Ibraahim Muudey waxaa uu talaabadaas ku tilmaamay mid xad gudub ku ah xoriyada aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed oo sida sharcigu qabo xaq u leh in la doorto, waxna doorto.

Kursiga qabiil baa iska leh ee qof malaha, sababta la iigu diiday Baraawe waa inaan doorashada u tartamo, arintaasna dadka ka dambeeya waala ogyahay, mana la iskaga hari doonana ma ahan” ayuu yiri C/wali Ibraahim Muudey.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleSidee C/Raxmaan Cabdi Shakuur ugu guuleestay Kursiga Barlamaanka ee Dowlada ku heysatay
Next articleJadwalka 3 kursi oo xiiso gaar ah leh oo Beri lagu Dooranaayo Galmudug oo Caawa La Shaaciyay