Home Wararka Somaliya Puntland C.wali Gaas oo Difaacay Fahad yaasiin eedayn Culusna Ujeediyay Gudiga Doorashooyinka

C.wali Gaas oo Difaacay Fahad yaasiin eedayn Culusna Ujeediyay Gudiga Doorashooyinka

0

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay khilaafka cusub ee cagaha ay la gashay doorashada Soomaaliya, ayaa eedeynta dhan dusha ka saaray R’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashooyinka federaalka.

Gaas ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka uusan ku shaqeyn rabitaankiisa oo mar kasta laga dhex hadlo, sidoo kale wuxuu ku dooday in wax macno ah aysan sameyneyn in Fahad Yaasiin iyo xubnaha kale ee laga soo doortay Koonfur Galbeed loo diido kuraastooda.

“Labada dhinac ee siyaasadda isku haya waxay ka dhex hadlayaan guddiga doorashada, markii horena guddi fiican oo shaqadiisa gudanaya ma aheyn, howshii laga rebay guddigaas ma qaban, waxa hadda isku jawaabayana ayaga maahane, cid kale ayaa ka dhex hadleysa,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

 

 

 

Gaas oo la hadlay BBC ayaa wax laga weydiiyey go’aanadii ka soo baxay HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegay inay ka aamin baxeen guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal, kadib markii liiska xubnaha dooran ee baarlamaanka laga reebay Fahad Yaasiin oo HirShabeelle laga soo doortay iyo 3 xubnood oo ka yimid K/Galbeed.

 

 

Wuxuu ku jawaabay in dooda labadaas maamul ay saxan tahay, “Afarta kursi sababta ay liiska uga reebeen guddigu ma aysan sheegin, dalka dhan doorasho kama socon ee xulasho aan xalaal aheyn ayaa ka socotay, marka maxaa afar kursi loo qabsanayaa? Waa in guddoomiyuhu uu dadka u sheegaa sababta,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Aniga iima muuqato wax afartaas kursi ku gaar ah, waxaana arrintaas ku gar leh labada dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, inkastoo laftigoodu aysan doorasho sax ah qaban, hadana dooda ah, maxaa lagu heystaa afartaan kursi? Waa ku saxan yihiin.”

Mar wax laga weydiiyey doorka Ra’iisul Wasaaraha ee doorashada ayaa waxa uu sheegay in fashil badan uu ka muuqdo waajibaadkiisa, “Shaqo tan ka fiican ayuu qaban karay oo awoodeeda uu lahaa dastuuriyan, laakiin hadda waxaaba noo cad in isqabqabsigaan cusub uu qeyb ka yahay,” ayuu yiri.

Ad
Previous articleCiidamada Ukrain oo Dib u Qabsaday Caasimad Dhawaan Laga Qabsaday
Next articleCiidmada Darawiishta Galmudug oo Soo Bandhigay Ragii ka Tirsanaa Alshabab oo la Qabtay ayagoo minooyin dhigaaya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here