Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Galabtay U Fariisatay kiiska Dacwada Dilkii Dhawaan Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Guriceel Kaas oo loogu Gaystay Ganacsade Cabdullahi Cali Huudeey.
Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Abdi Moalin oo ay wheliyaan Xildhibaano ka tirsan Galmudug Saraakil Ciidan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin ehelka allaha unaxariistee Abdulaahi Ali Hudeey ayaa goob joog ahaa goobta ay ka dhaceysay Maxakamadeynta C/salaam Axmed Cali oo dhawaan Guriceel ku dilay Marxuun Abdulahi Ali hudeey
Maxkamada Ciidama Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridey Dabele NISA C/salaam Axmed Cali, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah u dilay Marxuum Cabdullaahi Cali Hudeey Taariikhdu markey ahayd tobankii bishan.
Maamulka degmada Guriceel ayaa soo qabashada gacan ku dhiiglahaan galiayay dadaal dheer