Home Wararka Maanta C/qaadir C/llaahi Axmed Waxyaabaha Maanka- dooriya oo badan heestay oo Muqdisho lagu...

C/qaadir C/llaahi Axmed Waxyaabaha Maanka- dooriya oo badan heestay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

0

Ciidanka booliiska Soomaaliya oo gacan ka helayay ciidanka booliiska sida milatariga u tababaran ayaa gacanta kusoo dhigay nin waxyaabaha maanka-dooriya ka ganacsanayay.

Howlgalkan oo ka dhacay qeybta galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay C/qaadir C/llaahi Axmed oo xilliga la qabanayay gacanta ku hayay maan-dooriye aad u badan sida booliiska sheegeen.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninkan lasoo qabtay loo gudbiyay xabsiga laguna sameenayo baaris, waxa ayna xuseen booliiska in ninkan la horgeyn doono maxkamad.

Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa milatariga sida booliiska u tababaran ayaa magaalada Muqdisho kawada howlgalo ka dhan ah burcada, waxyaabaha maanka-dooriya iyo kooxaha kale ee hubeesan.

Ad
Previous articleKoox Dad ah lagu dilay toogasho cusub oo ka dhacday Mareykanka
Next articleDowlada Soomaaliya oo Soomaalidii ugu badneyd kasoo Daad Guraysay SUUDAAN(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here