Home Wararka Maanta C/llaahi Xaashi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayey Maxkamaddu...

C/llaahi Xaashi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayey Maxkamaddu dil ku xukuntay oo Alshabaab ka Tirsanaa

0

Mid kamid ah kiiska sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada, kadib markii lix kamid ah lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab ayaa yeeshay weji cusub, kadib war cusub oo ka soo baxay ehellada ninka lagu eedeeyey inuu dilay Cabdinaasir Cismaan Nuunow oo kamid ah raggga la xukumay oo lagu ridday xukun dil toogasho ah, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Cabdinaasir oo kasoo muuqday liiska dadka la xukumay ayaa Maxkamadda waxa ay sheegtay inuu dilay Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ay sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani, gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha September 7-deedii sanadan 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin ninka la dilay ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda , isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

‘Ninkan oo ay Maxkamadda Ciidamada ku Xukuntay Dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxmed Xaashi Xaqiiqdii waa Waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayey dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii day dayay danbiilihii Kiiskiinia wiilkana loo saaray Lana rabo in la dilo Meeqo qof oo aan maalin waliba argno shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale Danbi aysan galin loo dilaa. Dhibka ugu badan Waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu sii raaciyay.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay kiiskan wuxuua ku baaqay in dib loo hubiyo baarista, laguna laabto kiiska.

“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo.” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Meydka Sarkaal Shabaab Ah Oo Howlgal Lagu Dilay.
Next articleMid ka mid ah Nabadoonadii Alshabaab la Shaqayn Jiray oo isasoo Dhiibay(Sawiro)