Buuq iyo dagaal ka dhacay Hoolka Doorashada Hirshabelle

Xildhibaano katirsan baarlamaanka HirShabeelle iyo ilaalada Yuusuf Dabageed ayaa damiyay leerarka iyo sameecadaha hoolka doorashada ee Jowhar, iyadoo ay is gacan qaadeen Xildhibaanada qaar waxaaba hakad galay doorashadii.

Xubnaha la sheegay in ay buuqa sameeyeen ayaa diidanaa natiijada wareegga 1-aad ee kursi kamid ah doorashada Aqalka Sare oo hada socoto. Madaxweyne kuxigeenka ayaa doonaya in uu soo baxo Murashax Cali Shacbaan halka natiijadana uu ku horreeyo Xanafi.

Kursigaan ayaa kamid ah laba kursi oo maalmahaan oo dhan murankoodu taagnaa, taasoo sababtay in mid kamid ah kuraasta Murashaxiintii u taagneed ay shalay ka soo tagan Jowhar soona gaaraan Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*