Markabka MV Abdullah, oo ay labo maalin ka hor afduubeen koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa soo gaaray xeebaha gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.Â
Kooxdan ayaa waxay ku hanjabeen in ay dili doonaan qof kasta oo markabka saaran, haddii aan la fulin dalabkooda, inkasta oo aysan waqti u qaban in lagu fuliyo dalabkooda culus.
Ilaa 25 nin oo hubaysan ayaa horey markabkan oo laga leeyahay Bangaladesh uga soo afduubay biyaha caalamiga ah ee badweynta Hindiya, balse hadda waxaa lagu warramaya in ka badan 10 nin oo horleh oo hubaysan in ay ka fuuleen xeebaha gobolka Mudug.
Weerarada burcad badeedda Soomaalida oo sanado badan laga nastay ayaa dhowaanahan dib usoo laba kacleeyey, xilli ay sidoo kale badaha ku teedsan Soomaaliya qaarkood ay xiisad ka jirto, gaar ahaan Badda Cas.