Home Wararka Maanta Burcad dhac xeeladeysan ka waday degmo ka tirsan Muqdisho oo la qabtay...

Burcad dhac xeeladeysan ka waday degmo ka tirsan Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

0

Labo nin oo dhac ka geysanayey xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta lagu soo dhigay saaka.

Soo qabashada burcadan ayaa ka dambeysay ka dib howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska saldhiga Waaberi oo helay cabasho ka timid dadka degaanka.

Labadan nin ayaa ku hubeysnaa bastoolad macmal ah iyo Toorey, iyagoo dhowr qofood ka dhacay telefanada gacanta.

“Alwaax sharooto lagu wareejiyay oo loo ekeysiiyay Bastoolad iyo Toorey ayey wateen si ay ugu dhacaan dadka xaafadda Maajo ee degmada Waaberi, dhowr Taleefan oo Niicle u badan ayey ku aruursadeen balse Booliska ayaa maanta soo qabtay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska.

Burcada wax ku dhaca hubka macmalka ah ayaa mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, kuwaasoo inta badan dadka ka qaata telefanada gacanta iyo waxyaabaha kale ee ay wataan.

Ad
Previous articleHooyo iyo Gabdheheeda oo lagu dilay isku dhacyada Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta
Next articleDowlada Soomaaliya oo wadahadal la yeelatay wakiilo ka socda Ruushka