Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen weeray cusub oo ay kusoo afduubteen markab 2aad, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha degmada Eyl.
Warbixin kasoo baxday hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan oo dhacay Jimcihii shalay, kaas oo lagu afduubtay markab yar.
Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcadbadeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano.
Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay inay la hadashay mas’uuliyiinta shirkadda iska leh markabkaas oo xaqiijiyay inuu u gacan galay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.
Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba todobaad ka hor ka dhacay Badda Gacanka Cadmeed, kaas oo lagu soo afduubtay markab weyn oo lala soo aaday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee bariga maamul goboleedka Puntland
Wararka ayaa sheegaya in haatan markabkaas uu ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo uu baroosinka dhigtay, ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu sameynaayay.
Afduubkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.