Home Wararka Maanta Burcad badeed kale oo Soomaali ah oo Ugacan Galay Ciidamada Bada Hindiya...

Burcad badeed kale oo Soomaali ah oo Ugacan Galay Ciidamada Bada Hindiya kadib Dagaal Culus oo lagu Qaaday

0

Koox burcad badeed Soomaali ah oo afduub u haysatay dooni kalluumeysi ayaa haatan isku dhiibay ciidamada badda Hindiya, sida ay warisay qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi oo soo xiganeyso saraakiil kamid ah ciidamada badda.

Kooxdan ayaa muddo waxaa gacanta ugu jirtay doon laga leeyahay dalka Iran oo lagu magacaabo Al-qamaar, taas oo ay la socdeen 23 shaqaale u dhashay waddanka Pakistaan.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeen howlgal qaatay 12 saacadood, kadibna sidaas lagu qabtay burcad badeeddan oo isku dhiibay ciidamada badda ee dalka Hindiya.

Waa kooxdii labaad oo burcad badeed ah oo ay gacanta ku dhigeyso Hindiya, waxayna ahayd dhowaan markii ciidamada badda dalkaas ay qabteen sodomeeyo burcad badeed ah.

Howlgal qaatay 40 saacadood ayaa lagu soo afjaray kooxdaasi oo afduub ahaan u haysatay markabka MV Ruen oo ay saarnayeen 17 shaqaale ah oo ugu dambeyn lasoo bad baadiyay.

Markabka ayaa laga lahaa dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Dhammaan xubnihii burcad badeedda ee gacanta lagu dhigay ayaa la geeyay dalka Hindiya, halkaas oo ay todobaadkii hore ka bilaabatay maxkamadeyntooda.

Ad
Previous articleXildhibaano uu soo Saartay Farmaajo oo Xasan Shiikh lasaftay
Next articleDowlada soomaaliya oo Jawaab Deg deg ah ka Bixisay Hanjabaadii uga Timid Bangiga Aduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here