Home Wararka Maanta Burcad Badaeed oo Mudo kadib Afduubtay Markab

Burcad Badaeed oo Mudo kadib Afduubtay Markab

0

Markab ay leeyihiin ciidamada badda Spain ayaa ku baxay markab ganacsi oo ka diiwaan-gashan dalka Malta, kaasi oo la rumeysan yahay inay afduubteen burcad badeedda Soomaaliya, waxaa sidaas sheegay ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeedda.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto oo ay ku lug yeeshaan burcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weeraradii gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Xarunta hawlgallada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan “markab la sheegay inay burcad-badeeda afduubteen,” kaasi oo lagu magacaabo Ruen, xilli uu marayey meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra ee u dhow Soomaaliya.

Xubin ka mid ah kooxihii hore ee gacan ka gaysan jiray abaabulka weerarada lagu qaado maraakiibta, oo ku sugan Puntland, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu maqlay in burcad-badeedda ay u suurta-gashay in ay qabsadaan markab.

“Lix ka mid ah saaxiibadeyda burcad-badeedda ah waxaa u suurtagashay in ay qabsadaan markab, waxayna keeni doonaan xeebaha gobolka bari ee Puntland,” ayuu Mukhtaar Maxamuud yiri isagoo ku sugan magaalada xeebta ah ee Qandala.

Ma uusan shaacin magaca doonta, islamarkaana mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Howlgalka EUNAVFOR ayaa sheegay in markabka dagaal ee Victoria ee Spain loo diray goobta weerarka, “si uu usoo ururiyo macluumaad dheeri ah, una qiimeeyo tallaabooyinka la qaadi karo.”

Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambrey ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in markabka Ruen ay afduubteen burcad-badeedda.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Howlgal culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho
Next articleCiidamada Daraawiishta Galmudug iyo Kuwa Deegaanka oo Hareereeyey Alshabaab ku Sugan Koonfurta Gobalka Mudug