Home Wararka Maanta Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo iyo saaddex qodob oo horyaala

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo iyo saaddex qodob oo horyaala

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho maalma socon doonto waxa ay uga bilaabantay Kismaayo, xarunta dowlad goboleedka Jubaland.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu soo indha indhayn doono xaaladda deegaannada maamulkaasi, iyo taabbagelinta qorshaha dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kulamo ay albaabada u xiran yihiin la yeelan doono madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, iyo hogaamiyayaasha bulshada ee maamulkaaasi.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu waxgaradka Kismaayo ka dhagaysan doono sida ugu habboon ee ay dadka deegaanku uga wadashaqeyn karaan nabadda iyagoo wada duuban.

Haddaba madaxweyne Xasan waxaa horyaal dhowr qodob oo ay tahay inuu xal u helo si maamulkaasi uu dhinac isugu raaco.

Doorashooyinka Jubbaland

Dabayaaqadii bishii Agoosto, 2022, ayaa hindise sharciyeed la hordhigay baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland waxaa markii dambe lagu meelmariyay in muddo xileedka xukuumadda iyo kan baarlamaanka maamulkaasi laga dhigo shan sanadood halka markii hore uu ahaa afar sanadood.

Qodobkaas sharciga ah ee uu baarlamaanku meelmariyay ayaa ka dhigan in muddo xileedka madaxweynaha Jubaland uu dhammaan doono Agoosto 2024.

Xilligaas waxaa soo baxayay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannada Jubaland oo gaashaanka u daruurayay muddo kororsi ay sameeyeen xubnaha baalamaanka Jubaland.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo dhawaan ka hadlayay meel fagaare ah ayaa sheegay in “Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu waqtigiisii dhammaaday, oo haddii la fiiriyo lix bilood ayaa u hartay, bisha sideedaad bay uga egtahay,”

“Maya, maya, maya, horana waan u niri haddana waan leennahay, muddo kordhisiinno maya, muddo kordhisiinno maya, muddo kordhisiinno maya, jubaland la isla leyahay ayaa la qaban doono,” ayuu sii raaciyay

Dhanka kale xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo isna ka tirsan xildhibaannada laga soo doorto deegaannada Jubaland ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay inay tahay in muhiimad la siiyo in waqtigii loogu talagalay lagu qabto doorashooyinka.

Waxa uu intaasi ku daray in haddaanan doorashooyinka lagu qaban waqtigii loogu talagalay, taasi ay keeni karto deganaanshiyo la’aan siyaasadeed.

Dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ee deegaanada Jubbaland.

Waxaa bilihii la soo dhaafayay xoogaysanayay dagaallada iyo howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab ee ay wadaan ciidammada dowladda federaalka ee Soomaaliya, oo kaashaneysa dadka deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay waxa uu ku celcelinayay sida ay uga go’an tahay inuu dalka uga saaro ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo hore u shaaciyay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ayaa sheegay in ficillada Shabaab ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

“Dib u noqosho ma jirto: Waa inaynu soo afjarnaa halista kooxda Al-Shabaab,” ayuu ku yiri qoraal la soo dhigay barta madaxtooyada.

Wuxuu intaa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa koox argagixiso caalami ah oo arxan daran, akhlaaq daran oo aynaan aqbali karin inay dalkeena iyo dadkeena ku dhex noolaadaan kagana dhex shaqeeyaan afkaarahooda guracan.”

Dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ayaa muddo bilooyin ah si xooggan waxa uu uga socday dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Haatanna waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu madaxda Jubaland kala hadli doono sida ay dhankooda uga bilaabi lahaayeen duullaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Labo xeelad oo cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday labo xeelad oo cusub oo ay hadda kusoo kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Hadda, 15 sano kaddib waxaan u xusul duubeynaa in la baddalo qorshaha oo aan adeegsanno istiraatiijiyad cusub. Wax walba oo waxtar lahaa ayaan ka qaadaneynaa labadii xeeladood oo hore,” ayuu yiri.

Adeegsiga militeriga, hubka casriga ah iyo tiknoolojiyadda ayaa ka mid ah waxaabaha ay ka mideysnaayeen qaababkii hore, sida uu sheegay madaxweynaha, isagoo hoosta ka xariiqay inay weli u baahan yihiin kuwaas, laakiin aysan ku filneyn.

In xal loo helo arrinta Gedo

Maalmo kaddib markii bartamihii bishii May, 2023, xilka madaxtinimada loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maamulka Jubaland waxa uu sheegay in madaxwaynaha cusub ay ka rajeynayaan in maamulka gobolka Gedo uu dib ugu soo celiyo gacanta Jubaland.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubaland, Suleymaan Maxamed Maxamuud, oo BBCda waqtigaas u warramay ayaa sheegay in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu xal u helo arrinta gobolka Gedo.

“Hadda waxaan ka rajeynaynaa dowladda cusub inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah sida sharciga ah ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubaland.

Waxaa uu wasiirka inta ku daray in sidoo kale ay doonayan in dib u heshiisiin laga sameeyo gobolka Gedo maadama uu khilaaf ka taagnaa sanooyiinkii u dambeeyay.

“Wadahadal iyo dib u heshiisiin ay sameyn doonaan dowladda jubaland iyo dowladda cusub-na ay sameyn doonaan sidaana khilaafaadkii jiray lagu xalin doono ayaan rajeynayna, “ayuu yiri Mr Suleymaan.

Dhanka kale siyaasiyiinta gobolka Gedo ee ka soo horjeeda maamulka Jubaland ayaa sheegay in maamulka gobolka Gedo ay Jubaland ugu laaban karaan in la xilliyo wixii la kala tabanayay oo kaliya.

Mas’uuliyiin ay ku jiraan Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, oo safar ku marayay inta badan magaalooyinka Gedo ayaa sheegayay in khilaafka Jubaland ka taagan lagu xallin karo oo kaliya in doorashada madaxtinimada waqtigeeda lagu qabto, waxyaabaha ay tabanayaan reer Gedo-na la xalliyo.

Ad
Previous articleDowlada Somalia oo shaacisay sababta loo hakiyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Next articleMaxay tahay danta isku keentay wadamada Qatar shirka ku leh ee Soomaaliya caawinaya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here