Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Booliska Sooomaaliya oo Soo qabtay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo loo haysto kiis...

Booliska Sooomaaliya oo Soo qabtay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo loo haysto kiis xasaasi ah

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo loo haysto kiis xasaasi ah, isla markaana la yaab ku noqday dad badan.

Cabdiraxmaan oo 18 jir ah ayaa lagu xiray saldhigga degmada Xamarjajab, waxaana loo haystaa inuu ku kacay fal anshax xumo, sida uu shaaciyay Booliska Soomaaliya.

“Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Jajab ayaa soo xiray eedeysane, Cabdi raxmaan Maxamed Cumar 18  jir ah kuna eedeysan  in uu ku kacay falal Anshax-Xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kiiska sida gaarka ah loogu haysto wiilkan dhalinyarada ah ayaa ah inuu soo xirtay dharka dumarka, isaga oo iska dhigayay gabar, laakiin ay soo qabteen ciidanka Booliska.

Sidoo kale taliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga oo ay soo sheegaan wax kasta oo liddi ku ah amniga, haddii ay la kulmaan.

“Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.g.v.so” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleGadiid Alshabaab Goob isugu keeneen oo Duqayn lala eegtay
Next articleXamza Cabdi Barre oo goordhow safar deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi