Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa General Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu gaarigaasuu taagnaa goobta, balse waxa uu sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, uuna haatan caafimaad qabo.
“Shaqsi isku xiray walxaha qarxa oo naftii halige ah ayaa wuxuu si toos ah u beegsaday gawaaridii taagneyd Checkpointiga, gawaaridaas oo uu ka mid ahaa gaariga General Garabey oo sida idin muuqata rabay inuu daaqadda ka qabsado, balse gaariga oo ahaa baabuurta aan xabadda karin aawgeed Ilaaheyn nooga bad-baadiyey Jananka, wuuna caafimad qabaa, waxa dhib ahna ma jiraan,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska.