Home Wararka Maanta Booliska Gobolka Banaadir oo Toogasho ku dilay mid Ka Mid ahaa ...

Booliska Gobolka Banaadir oo Toogasho ku dilay mid Ka Mid ahaa Al-Shabaab oo weerar Soo Qaaday

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Heliwaa, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu ka mid ahaa koox isku dayday inay weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada oo xilligaas ku jiray howlgal roondo ah, balse waxa ay toogteen mid ka mid ah raggaasi, halka kuwii kalena ay baxsadeen.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Baar Jowhar oo ka tirsan xaafadda Suuqa Xoolaha, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

“Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa loogu magac daray Samakaab, waxaana lagula dagaalamayaa  burcadda, ciyaal weeraada iyo xubnaha Al-Shabaab ee dilalka ka geysta caasimada.

Si kastaba, muddooyinkii dambeeyey ayaa ammaanka guud ee gobolka Banaadir wuxuu ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey falal amni darro oo isa soo tarayey

 

 

 

Ad
Previous articleDowlad Deegaanka ” Waxaan soo Afjarnay Dagaalkii Alshabaab”.
Next articleXaggee ku dambeeyeen dagaalamayaashii Al-shabaab ee boqolka kiilo mitir gudaha u galay DDS?