Home Wararka Maanta Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin baxsad ahaa oo Mudo la Raadinaayay...

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin baxsad ahaa oo Mudo la Raadinaayay dhibaato geestay

0

Ciidamada booliiska ee ka howlga saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin baxsad ahaa , oo horey maxkamadda ciidamada qalabka sida waaran soo qabasho ah ugu jartay.

Ninkan ciidamada booliiska maanta qabteen ayaa lagu eedeeyay in uu dhaawac u geestay muwaadin Soomaaliyeed, waxaana ninkan dacwad ka dhan ah maxkamadda ciidamada  gudbiyay ninkii uu dhaawaca u geestay.

Maxkamadda ciidamada ayaana ninkan oo diiday in uu isku soo dhiibo laamaha ammaanka u jartay waaran soo qabasho ah, waxaana ninkan oo baxsad ku jiray muddooyinkii dambe ugu dambeyn gacanta ku dhigay ciidamada booliiska.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay ninkan dhaawaca geestay uu hadda ku jiro gacanta ciidamada ammaanka, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan maxkamd la horgeyn doono si caddaaladda loo marsiiyo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni iyo Karaash oo Khilaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay
Next articleWAR DEG DEG AH: Hoobiyaal lagu Gaaracay Xaafada Ka Mid ah Magaalada Muqdiso iyo Faahfaahin kasoo Baxasa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here