Home Wararka Maanta Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay saddex eedeysane iyo Dambiga ay galeen oo…..

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay saddex eedeysane iyo Dambiga ay galeen oo…..

0

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho, gaar ahaan saldhigga degmada Xamar Jajab ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo dhallinyaro ah, kuwaa oo lagu eedeeyay fal xatooyo ah.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in saddexdan dhallinyaro ee lasoo qabtay lagu eedeeyay in mooto nuuca  loo yaqaan Fekon ay ka riixdeen isgooska Ceel-gaabta ee degmada Xamar Jajab.

Booliiska oo lagu war-galiyay xatooyada mootada ayaa ku guuleestay in ay soo qabtaan saddexdan dhallinyaro, waxa ayna booliiska sheegeen in baaritaano kaddib loo gudbin doono hay’adaha sharciga.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ku guuleestay soo qabashada kooxo badan oo isugu jira burcad iyo ciyaal weero, waxa ay sidoo kale booliiska soo qabteen rag dilal kala duwan geestay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Al-Shabaab oo dagaal Culus kula wareegtay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay
Next articleGudoomiye Geedaqaroow oo Shaqaalihii Waaxyaha maamulka Dhuusomareeb oo shaqada ka eryay