Home Wararka Maanta Boliiska Somaliland oo Hargeysa ku xiray haweeney ku kacday fal laga argagaxay...

Boliiska Somaliland oo Hargeysa ku xiray haweeney ku kacday fal laga argagaxay (Sawirro)

0

Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigey Haweenay jir-dil xun u gaysatay gabar yar oo Gurigeeda kula noolayd.

Muuqaallo laga duubey gabadhan yar ee jir-dilka loo gaystay ayaa muujinaya jir-dil xun oo ku yaalla guud ahaanba jirka gabadha yar.

Hoos ka akhriso War-saxaafaddeed ay Boolisku kasoo saareen dhacdadan;

Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland oo gacanta kusoo dhigey Haweenay jidh-dil  xun u gaysatay Gabadh yar.

Hargeysa: Ciidanka Booliska JSL ayaa hawl-gal ay saaka Saladii subax sameeyeen gaar ahaan Saldhiga New Hargeysa waxa ay gacanta kusoo dhigeen haweenay ku eedaysan in ay jidh-dil u gaysatay gabadh yar oo gurigeeda kula noolayd, taasi oo ciidanka Boolisku ka war heleen kaddib markii ay arkeen Muuqaallo muujinaya jidh-dilka loo gaystay ilmaha yar oo lala soo wadaagay.

Xogta haweenaydan oo xalayba ay ciidanku heleen ayaa saaka waxa u suurtogashay in ay soo  kasoo qabtaan Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa iyada iyo gabadha yar ee ay jidh-dilka u gaysatay.

Ciidanka Booliska ayaa haatan gacanta ku haya gabadha yar ee jidh-dilka loo gaystay, iyadoo baadhitaano dheeraad ah ay ciidanku ku sameyn doonaan kiiskan.

Haweenaydan iyo gabadha yar ayaa ah Walaalo, sida ay ciidanka u sheegtay gabadha yari, iyadoo waalidka ilmaha yari ay degan yihiin magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Dhanka kale, ciidanka Boolisku waxay shacbiweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga digayaan falalka noocan oo kale ah, iyadoo ubadka yaryar ee Guryaha lagu haystana ay ciidanku il gaar ah ku eegi doonnaan xaaladdooda.

Boolisku waxay shacabka Somaliland uga mahad-celinayaan xogaha qorsoon ee mar walba ay la soo wadagaan, waxaanan u sheegaynaa bulshada  in kiiskan iyo kuwa lamid ahba ay la wadaagi doonnaan marka ay baadhistiisu dhammaato.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGalmudug oo Ciidankii ugu Horeeyey ee Gurmad ah u Dirtay Degaanka Yasooman ee Hiiraan(Sawiro)
Next articleRa’iisul Wasaare Xamse Oo U Ambabaxay Dalka Itoobiya Xili Xiriirka itoobiya iyo Soomaaliya Soo Hagaagaayo