Bilan Osman oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay dalka Sweden una ol-olayso ka hortagga midab takoorka ayaa ku dhacday dabin loo maleegay.
Gabadhan oo dhanka kale ah wariye ayaa ayaa u ol-olayso ka hortagga midab takoorka iyo islaam nacaybka, waxaa loo soo diray nin caddaan ah oo la sheegay inuu Yuhuud yahay.
Ninka oo lagu magacaabo Christian Peterson ayaa ah nin cunsuri ah oo islaamka aad u neceb, waana dadka ka tirsan Far Rights, ama Midigta fog.
Muddo laba sano ah ayuu la sameeyay xiriir jacayl, asagoo u sheegay inuu darteed u qaatay diinta Islaamka, intii ay xiriirka lahaayeen ayay u dhashay wiil.
Ninkii ayaa hadda u sheegay Bilan inuu soo bandhigayo waxay Islaamku yihiin iyo ceebeheeda, wuxuuna sheegay inuusan diintiisa ka bixin balse uu ayada ugu tala galay inay dabinkaas ku dhacdo.
Bilan Osman oo 1992 ku dhalatay Sweden ayaa aad loogu hadal hayaa Tweterka, ayadoo ninka ay xiriirka la lahayd uu ka sameeyay qoraallo badan, wuxuu sheegay inuu Jimcaha soo fariisanayo TV-ga si uu u bixiyo waraysi ku saabsan sida islaamku yahay oo uu ula jeedo siday Bilan Osman u wada noolaayeen guur la’aan ayna awlaad ugu dhashay.