Home Wararka Caalamka Biden”Ruushku Wu Go,aansaday inuu Weeraro Ukrain”

Biden”Ruushku Wu Go,aansaday inuu Weeraro Ukrain”

0

Dowladda Ruushka ayaa ciidamo dheeraad ah kusii daabuleysa xadka ay la wadaagto dalka Ukrine, waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda in ciidamada Ruushka gudaha u galaan dalka dariska la ah ee Ukrine.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dhigiisa dalka Ruushka Putin uu go’aamiyay in la weeraro dalka Ukrine, waxa uuna xusay in weerarkaasi uu dhici karo maalmaha soo socda.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Biden in xoggo ay heleen sirdoonkooda in ay muujineyso in Ruushka diyaariyay duulaan ay ku qaadaan dalka Ukrine gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Kiev.

Dowlada Ruushka ayaa marar badan beenisay in ay duulaan ku tahay dalka Ukrine, waxa ayna Ruushka ku eedeeyeen dowladda Mareykanka iyo dowladaha kale ee reer Galbeedka ah in ay buun buuniyaan duulaanka beenta ah.

Ad
Previous articleOdayaasha Soo Xulaaya Ergada Dooranaysa HOP109, HOP074, iyo HOP008
Next articleGuri uu leeyahay Cusaama Binlaadi Walaalkiis oo la wayay wax iibsada(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here