Waa arrin “muhiim u ah amniga qaranka ee Mareykanka” in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda, sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office, taas oo ka dhigaysa inay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal.
Biden ayaa sheegay ” in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.”
“Xamaas iyo Putin waxay matalaan haliso kala duwan,” ayuu yiri Biden. isaga oo sii raaciyey “laakiin waxay wadaagaan, in labadooduba ay rabaan inay gebi ahaanba baabi’iyaan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah.”
Waxa uu sheegay in uu codsi dhaqaale oo deg deg ah u diri doono Congress-ka, kaas oo la filayo in uu noqdo ku dhawaad $100 bilyan sanadka soo socda.
Hindisahan, oo la soo bandhigi doono Jimcaha, ayaa waxaa ku jira lacag loogu talagalay Ukraine, Israel, Taiwan, gargaarka bini’aadantinimo iyo maareynta xuduudaha.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay