Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo kamid ah gobolkaasi, oo uu ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamo horleh oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay goordhow gaareen furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanada dhaca jiinka wabiga, si ay qayb uga noqdaan howlgallada ka socda halkaasi.
Sidoo kale waxaa saraakiishan & ciidamadaooda halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Faarax Kooshin iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee haatan ka socda jiinka wabiga Shabelle oo ay weli ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.
Muddo todobaadyo ah ayaa howlgallo ay ka socdaan deegaanadaasi, waxayna ciidamadu kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerayabaal & Jicibow oo ku yaal halkaas.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujijayaan in dagaallo culus iyo duqeymo ay ka dhacaan dhulkaas oo ah mid hawd ah.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka