Home Wararka Maanta Beesha Mursade oo Digniin kasoo Saaray Dad Looga Haysta Cadalle

Beesha Mursade oo Digniin kasoo Saaray Dad Looga Haysta Cadalle

0

Sida ay warbaahinta u sheegeen odayaal ka soo jeeda beesha Murusade ilaa 10 qof oo shacab ah oo u dhashay beeshaas ayaa muddo maalmo ah ku xiran degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dadkaas waxaa la sheegay inay Cadale ku xireen ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya, kadib markii ay kala degeen gaadiid ay la socdeen.

Sida ay cadeeyeen odayaasha Murusade ee warbaahinta la hadlay dadka lagu xiray Cadale waxay ka yimaadeen degmada Ceelbuur iyo deegaano hoos taga oo kooxda Al-Shabaab ay joogto.

Odayaasha ayaa sheegay in beegsi gaar ah lagu hayo dadkooda, sida ay hadalka u dhigeen, maadaama maalmo badan xabsi ku yaalla Cadale ay ku xiran yihiin dadkaas shacabka ah.

“Murusade wuxuu ka cabanayaa dad musaafir ah oo Cadale uga xiran, dadkaasi waxay isugu jiraan carruur, waayeel iyo dad xanuunsan oo dhakhtar loo soo qaaday, waxaana loo beegsaday inay ka yimaadeen dhul Shabaab joogo,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa la sheegay inay u xiran yihiin dadkaas, inkastoo odayaasha ay warbaahinta u sheegeen in taliska militeriga Soomaaliya uu iska fogeeyey gacan ku heynta dadka ku xiran Cadale.

“Dowladda iyo qabiilkaan Murusade waxaa jira dad iska hor keenaya oo beegsi gaar ah nagu haya, dadkeena dariiqa loo istaagay dowladdu wax haka qabato, dadkaas musaafirka ahna xoriyadoodii haloo soo celiyo,” ayuu yiri odagaan u hadlay waxgaradka beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sidoo kale odayaasha waxay sheegeen in dadkaasi ay xiran yihiin muddo ka badan intii sharcigu ogolaa in xabsiga lagu sii heyn karo oo ka badan laba habeen iyo laba maalmood.

“Dadkaas waxaa lagu heystaa qabyaalad iyo in lagu dhibaateynayo deegaanka ay ka yimaadeen, cabashadeena waxaan u gudbineynaa madaxda dalka ugu sareysa, dhibka dadkeena ku dhacaya idinkaa wax la idinka su’aalayaa, shaqsiyaad ayuu dadkeenii u xiran yahay,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay.

Ad
Previous articleMadaxda 7 dal oo Afrikaan ah oo u baxay soo dhex-dhexaadinta Ruushka iyo Ukraine
Next articleDhacdo yaab leh Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto dhimashada laba muwaadin oo Turkey ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here