Home Wararka Maanta Beesha Mudulood oo go’aan culus ka soo saartay Xaalada Amni Magaalada Muqdisho

Beesha Mudulood oo go’aan culus ka soo saartay Xaalada Amni Magaalada Muqdisho

0

Xildhibaannada iyo odayaasha dhaqanka ee Beesha Mudulood ayaan kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxay kaga hadleen xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhibaatada ay ku hayaan ciyaal weerada.

Xubnaha kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in go’aan adag laga qaato kooxaha ciyaal weerarada, si wax looga qabto dhibaatada ay ku hayaan dadka iyo deegaanka.

Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankooda uu ahaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka lasoo darsaday shacabka Muqdisho, isaga oo uu tilmaamay in maalintii lagu dilo ugu yraan 5 illaa 10 qof.

“Annaga deegaanaa leenahay meelo aan ku noolnahay ayaa jira dalku Soomaali oo dhan waa ka dhexeeyaa, laakiin qolo walbo meel ayey dagan tahay dhibaatooyinka sida gaarka ah u heysta deegaannadeenana maanta inaan wax is ka dhahno ujeedada saas ayey aheyd oo ay ugu horreyso magaaladii caasimada aheyd oo la mari la’yahay oo maalin walba tiro u dhexeyo 5 illaa 10 ay ku dhimaneyso mindiyo iyo xabado isku jiro,” ayuu yiri Beerey.

Dhankiisa Yuusuf Ibraahim Afrax (Kabaale) oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xaaladdu ay gaartay meeshii ugu xumeyd, isla-markaana aan indhaha laga qabsan karin.

“Waxay joogi jirtay waxaa la dilay qof, yaa dilay? kooxo bistoolado ku hubeysan oon heybtooda la garaneynin, maanta waxay taagan tahay koox tooreeyeyaal ku hubeysan oon heybtooda la garaneynin ayaa dadkii dilay,” ayuu yiri Yuusuf Ibraahim Afrax (Kabaale).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciyaal weerada xittaa ay dileen wiil uu isagu adeer yahay, isla-markaana aan waxba laga qaban, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda habeen dhoweyd wiil yar oo aan adeer u ahay Kaaraan ayey ku bireeyeen oo arday ahaa cid looma haayo,” ayuu sii raaicyey.

Ugu dambeyn mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo gunaanadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay in arrintan looga gudbi karo wada tashi iyo in laga wada shaqeeyo amniga.

“Waxaan uga bixi karnaa wada-tashi guud oo mida amniga dowladda loo xil-saaray siyaasad iyo dhaqan aan kula shaqeyno,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Mudulood.

Hadalka kasoo yeeray xildhibaannada iyo odayaasha Beesha Mudulood ayaa kusoo aadaya, xilli magaalada Muqdisho ay gashay xaaladdo is-biirsaday oo ay ku hayaan burcadda iyo ciyaal weerarada oo dhibaato ku haya deegaanka, waxaana ugu daran degmooyinka kala ah Kaaraan, Yaaqshiid iyo Madiino oo ka kooban degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley.

 

 

 

Ad
Previous articleDeg Deg Ra’isul Wasaare Xamza oo ku dhawaaqay in Loo gurmado Bakool oo Shabaab ay weerareen
Next articleXildhibaanada federaalka ee koonfurgalbeed iyo Jubaland oo isbaheysi Cusub sameystay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here