Xildhibaan Cabdullaahi Kulane Jiis oo maanta banaanka xarunta golaha shacabka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in beesha Daarood aysan wax metelaad ah ku laheyn xukuumadda, isagoo farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu sheegay in xukuumaddu ay xaq u leedahay goorta ay magacaabeyso wasiirada iyo cidda ay u magacaabeyso, balse ay doonayaan in boosaska metelaadii xukuumadda ee beesha Daarood ka banaan uu magacaabo Xasan Sheekh oo sida uu sheegay wax kasta isku ah.
“Madaxweynaha iyo madaxa xukuumadda oo hadda isku hal ah waxaan rabnaa inuu si deg deg ah u magacaabo wasiirrada anaga na metela, hadii Xasan Sheekh uusan na meteleyn,” ayuu yiri Kulane.
Xildhibaanka ayaa sheegay in aysan qaada karin in beesha Daarood aysan xukuumadda ku yeelan wax metelaad ah, “Wasiiradii beesha Daarood ayaa maqan, iyadoo wasiiradii beeshaas maqan yihiin ayaa wasiirro kale la kala bedelay,” ayuu yiri.
Kulane Jiis ayaa sheegay in dadka uu metelo ay maalin kasta weydiiyaan sababta aan loo magacaabeyn kuraasta banaan ee wasiirrada Daarood, kuwaas oo kala ah wasiirrada amniga iyo arrimaha dibadda.