Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo war ka Soo saartay Xaaladda Siyaasada Soomaaliya

Beesha Caalamka oo war ka Soo saartay Xaaladda Siyaasada Soomaaliya

0

AR-SAXAAFADEED WADAJIR AH

War-Saxaafadeed Wadajir ah oo ku Saabsan Khilaafka u Dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin.

Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.

 

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Ad
Previous articleBashiir raage Shiiraar oo Muqdisho ku geeriyooday
Next articleFahad yaasiin oo Toos Looga reebay Diyaaradaha Turkish oo Maanta Muqdisho imaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here