Home Wararka Somaliya Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Xaalada Doorashada Soomaaliya

Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Xaalada Doorashada Soomaaliya

0

Dowladda iyo Beesha Caalamka oo war ka soo saaray Shirka Wadatashiga

Beesha Caalamka 06 Abriil 2021

– Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Xuseyna muhiimadda uu leeyahay Shir-madaxeedka la qorsheeyay ee DFS-DXDF, Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto.

Dhinaca kale, dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u miri dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee socda dawladda iyo dawladaha xubmaha ka ah dawladda federal ka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cisman Abukar Dubbe ayaa SONNA u sheegay in rajada kullanka laga qabo in uu ku dhamaanayo isfahan buuxa 100%

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Gaaray Jiida Hore ee Difaaca Ciidamada, waxuuna La kulmay Saraakiisha Ciidamada (Sawiro)
Next articleGaalkacyo Heshiis laga gaaray Dhacdo lagu dilay 3 nin oo reer Guuraa ah ( Sawiro )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here