Home Wararka Somaliya Beesha caalamka oo War ka soo saartay Kiiska ikraan Tahliil faarax iyo...

Beesha caalamka oo War ka soo saartay Kiiska ikraan Tahliil faarax iyo Muranka Siyaasadeed ee dalka

0

War Saxaafadeed ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa waxa ay ku sheegeen inay walaac ka qabaan khilaafka muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax iyagoo xusay inay ka qeybqaadanayaan baaritaanada kiiska Ikraan Tahliil

War Saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan;

Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.

Wadamada iyo Hay’adaha soo saaray War Saxaafadeedka ayaa kala ah;

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

 

Ad
Previous articlefarmaajo oo Qaabilay Safiir cusub kana gudoomay Warqadaha Aqoonsiga
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in Cidna loo Joojineen Doorashada Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here