Home Wararka Maanta Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay dagaalka Kasocda Magaalada Laascaanood

Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay dagaalka Kasocda Magaalada Laascaanood

0

Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa markale war cusub kasoo saaray dagaalka weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Beesha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay si xoogleh u cambaareyneyso sii socoshada dagaalka Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur xoogan.

“Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa qoraalkeeda walaac uga muujisay duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaareen dadka rayidka ah.

“Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa markale ku celiya baaqooda ah in la joojiyo dagaalka, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka.

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed. Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka beesha caalamka.

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleTirada Dadka Ku Dhintay Dhul-Gariirkii Turkey Iyo Suuriya Oo Kor U Dhaaftay 41,000
Next articleKursigii Xildhibaannimo uu baneeyay Ra’isul Wasaare Xamse oo lagusoo baxay (Sawirro)