Home Wararka Somaliya Beesha Caalamka oo War adag u soo diray Dowladda Soomaaliya (Akhriso)

Beesha Caalamka oo War adag u soo diray Dowladda Soomaaliya (Akhriso)

0

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, urur Gobaleedka IGAD iyo Midowga Afrika ayaa qoraal wadajir ah ka soo saaray xaalada kala Guurka ah ee Soomaaliya, waxayna walaac xoogan ka muujiyeen siyaasadeed ee Soomaaliya oo aan Xiligaan xasilneen

Xoghayaha Guud ee IGAD, Madaxa Arrimaha siyaasadda Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika, Agaasimaha Afrika  ee Midowga Yurub iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda iyo nabada  ayaa soo saaray war murtiyeed wadajir ah ka dib Markii ay yeesheen Kulan Gaar ah oo dhanka Internetka ah.

Waxaa ay ku celiyeen inay ixtiraam u hayaan madaxbannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay tanaasul ka muujiyaan arrimaha taagan iyo in aan la qaadin tallaabo dib u dhigi karta xasiloonida Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ka digeen in muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota in Lagu qabto Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay hoosta ka xariiqeen heshiiskii doorashada ee 17 September iyo is fahamkii Baydhabo ee 16 Febraayo, iyagoo ugu baaqay Madaxda inay dib u eegis ku sameeyaan  heshiiskaas, iyadoo loo marayo isu tanaasul.

Beesha Caalamka oo walaaca badan ka muujinaysa  mushkiladaha siyaaaadeed ee  ku hor gudban doorashada soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta  sidii markale  la isugu keeni lahaa madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada si dib loogu laabto gogosha teendhada Afisyooni loona gaaro isfahan lagu dheystirayo heshiiska doorasho ee dalka.

Ad
Previous articleMadaxweynaha galmudug oo Hambalyo udiray Madaxweynaha Jabuuti
Next articleMaxaabiis loo haysto burcad badeednimo oo Muqdisho laga soo dejiyay {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here