Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo Codsatay in la Fasaxo kuraasta ay ku Dhageen Gudiga...

Beesha Caalamka oo Codsatay in la Fasaxo kuraasta ay ku Dhageen Gudiga Doorashooyinku(Sawiro)

0

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya James Swan ayaa soo faro-geliyey xiisadda ka taagan afarta kursi ee golaha shacabka ee guddiga doorashada uu sheegay in doorashadooda dib loogu noqonayo.

James Swan ayaa shalay la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga, si ay warbixin uga siiyaan hannaanka doorashada Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, James Swan ayaa ku boorriyey guddiga inay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Mudug24 u sheegay in Swan uu ka codsaday guddiga inay fasaxaan kuraastaas, islamarkaana loo ogolaado inay qaataan shahaadada xildhibaan, si loo fududeeyo dhamesytirka hanaanka doorashada.

Afarta kursi ayaa kala ah: HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086 oo ah kursiga loo doortay Fahad Yaasiin, ahna midka ugu hadal haynta badan.

Xayiraadda la saaray kuraastan ayaa dhalisay in maamulka Koonfur Galbeed oo saddex ka mid ah kuraasta lagu soo doortay uu qaadaco shahaado siinta xildhibaanada. Madaxweynaha maamulkaas Lafta-gareen ayaa shalay weerar ku qaaday ra’iisul wasaare Rooble, kuna eedeeyey inuu si gaar ah u beegsaday maamulkiisa.

 

 

Xog ay heshay Mudug24 ayaa sheegeysa in James Swan iyo guud ahaan beesha caalamka ay rumeysan yihiin in afarta kursi ee la xayiray aysan waxba ka duwaneyn kuraasta kale oo badankood lagu soo doortay nidaam khaldan, sidaas darteedna aysan jirin sabab si gaar ah loogu beegsado.

Ayada oo sidoo kale ay arrintan ka hadleen xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta sida Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa kordhaya cadaadiska la saarayo Rooble iyo guddiga doorashada, waxaana ay u badan tahay in kuraastan la fasaxo.

 

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowlada Turkiga oo Go,aan Cusub ka Gaartay Dilkii Wariye Jamaal kashoqi
Next articleJoe Biden oo Soo Daliilsaday Ayaada Quraan ah iyo Axadiistii NNNKh