Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo Bilowday Qorshe Farmaajo looga adkaan karo Doorashada Madaxweynaha(Xog)

Beesha Caalamka oo Bilowday Qorshe Farmaajo looga adkaan karo Doorashada Madaxweynaha(Xog)

0

Reer Galbeedka ayaa bilaabay qorshe ay qaar kamid ah midowga murashaxiinta sanadkaan kaga dhaadhicinayaan inay ka tanaasulaan tartanka doorashada, si looga adkaado musharaxiin soo saartay xildhibaano badan.

Wakiillada ayaa fariimo isku mid ah gaarsiinaya murashaxiinta qaar, si aan fursan loo siin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Saciid Deni oo loo arko inay Soomaaliya uga sii dari karaan.

Murashaxiinta ay gaartay fariintaas waxaa kamid ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Amb Daahir Maxamuud Geelle, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, Cabdinaasir Cabdulle iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safiirka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi oo kulamadaas horboodayay ayaa qaar ka mid ah murashaxiinta wuxuu ka niyad jabiyay waxa laga aaminsan yahay saaxiibada taageera Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in doorashada guddoonka Barlamaanka ee soo horeysa looga fadhiyo Soomaalida inay soo xulaan guddoon aqoon u leh dhismaha hay’adda sharci dejinta oo ay ka fogaadaan un kursi daneyn iyo in saaxiibnimo lagu soo xulo.

 

 

Waxaa kale oo jiri doona liis dad qaswadayaal ah oo soo bixi doona dhaarinta xildhibaanada kadib, taasi oo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ay walaac xoogan ka qabaan.

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa si dhow ula socda arrimaha doorashooyinka dalka, ayada oo ay ka go’an tahay qaarkood in markale uusan soo laaban Farmaajo, oo dhowr jeer qaaday tallaabooyin xaalad hubanti la’aan ah galiyay dalka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleBooliska Dhuusamareeb oo Soo Qabtay Rag burcad ah oo Mobilada Dadka ka dhacaayay(Sawiro)
Next articleP.m Rooble “Gacanta Ikraan Tahliil dishay, ayaa dishay Xildhibaan Aamino”