Home Wararka Somaliya Puntland Beesha Caalamka oo Baaq Deg deg ah kasoo Saartay Dagaalka Garowe

Beesha Caalamka oo Baaq Deg deg ah kasoo Saartay Dagaalka Garowe

0

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka shalay ka qarxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan madaxweyne Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.”

Saaxiibada beesha caalamka waxay intaas ku dareen in khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan ay halis gelinayso natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Saciid Deni iyo ciidamo taabacsan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda go’aanka baarlamaanka Puntland uu ku furayo dastuurka, si wax looga beddelo qodobo ka mid ah.

Ad
Previous articleWaa Sidee Xaalada Magaalada Garowe Saakay iyo Wararkii Ugu Danbeeyey
Next articleWiilka Madaxweynaha Mareykanka oo lagu wado inuu qirto dambiyo lagu soo eedeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here