Home Wararka Somaliya Galmudug Beelaha Sacad iyo Laylkase Heshiis Hordhac ah Gaaray Kadib dagaalo Faraha Looga...

Beelaha Sacad iyo Laylkase Heshiis Hordhac ah Gaaray Kadib dagaalo Faraha Looga Gubtay

0

Waxa lagu guuleeystay in xabad joojin lakala dhex dhigo beeihii dhawaan ku dagaallamy qeyb ka mid ah gobolka mudug iyada oo lakala qaaday labadii maleeshiyo beeleed ee halkaasi uu dagaalku ku dhexmaray.

Xabad joojonta waxaa gacan ka geystay Labada maamul goboleed ee Galmudug iyo Punntland kuwaas oo ciidamo isku dhaf ah kala dhex-dhigay maleshiyaadki dagaallamayey.

Nabadddoon Maxamed Cali Shaandho oo ka mid ah nabaddoonada ka sahqeeynayay xabad joojinta oo BBC-da la hadlay ayaa yiri:

“Arrintu hadda meel fiican ayay noo mareysaa 28-kii bishii lixaad ayaa waxaa isu yimid Puntland iyo Galmudug iyo odayaasha oo ay si gaar ah ula shireen, in xabadda la joojiyo ayay u soo jeediyeen waa la qaatay, waa lagu ballamay intaas ayay jeediyeen 28-kii , intaas markii la qaatay waxaa ka dambeysay in la isugu yeeray umaddii labada beeloow iyo labada maamul-goboleed iyo ciidamadii dhex-dhexaadka ahaa oo labada maamul laga kala keenay ka dib laba oday baa ka hadashay oo labada beeloow kala matalayay si hufnaan ah ayayna u qaateen.

Nabaddoon Maxamed Cali Shaandho ayaa sidoo kale sheegay in markii la isla qaatay xabad joojinta amar lagu bixiyay in lakala qaado ciidamada oo lakala geeyo goobihii loo asteeyay oo ah Bandiiradleey iyo Galdogob.

“Waa la isla qaatay sidaas ayaana ciidamadii lagu soo kala raray, ciidamadii dhex-dhexaadka ahaa iyo wasiirradiina goobtii ayay ku hareen.”

Dhanka kale Axmed Sheeikh cabdi oo loo yaqaan Caaqil Dhiin oo isna BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay ku geeleysteen in xabad joojin lakala dhex-dhigo labada dhinac.

“Waxaan sameynay xabad joojin ay hormuud u yihiin wafdi wasiirro iyo xildhibaano isugu jira oo kala yimid maamullada Puntland iyo Galmudug, Alle ka sokoowna waxaa inoo suuro galiyay maamullada Galmudug iyo Punland haddii aysan iyaga imaan lahayne waa ay adkaan lahayn waayo inaga in badan baan isku daynay mana dhicin inaan xabaddaas kala joojino,” ayuu yiri Caaqil Dhiin.

Xabad joojinta ka dib maxaa xiga?

Caaqil Dhiin ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada xigta ay noqon doontay in lakala qaaday ciidamada.

“Markii lakala ciidamada waxaa meesha lakala dhex-dhigay ciidamo isku dhaf ah oo Galmudug iyo Puntland ka socda kuwaas oo kala raray labada maleeshiyo iskuna keenay odayaasha labada dhinac,” ayuu yiri Caaqil Dhiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciddii jabisa heshiiskaas ay ciidamadaas isku dhafka ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah oo dagaal la galayaan.

“Mar haddii lakala qaaday maleeshiyo beeleedyadii is horfadhiyay, xabadiina ay joogsatay, labadii barood ee loo cayimayna lakala geeyay tallaabada kale eek u xigta ayaa waxay tahay sidii xeerka iyo dhaqanka ahaan jiray in guurtidu ay isku madax-bannaan tahay dowladduna ay goob joog ka noqon doonto,” ayuu sidoo kale u sheegay BBC-da.

Isagoo ka jawaabaya su’aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd sidii lagu xaqiijinaya in colaaddan ay soo noqon ayuu yiri: Awoodda Alle ka sokow haddii la adeegsado awoodda dowladeed oo hadda taagan haddii ay go’aanka ay qaateen ka dhabeeyaan waxay nooga dhigan tahay iyadoo aysan xabad dambe ka dhacayn waayo Soomaalidu waa indha u kas.”

Ad
Previous articleXasan shiikh oo Gaaray DalkanEreteeriya (Sawiro)
Next articleSoo-saarihii filimka Titanic oo geeriyooday