Home Wararka Maanta Barre Hiraan oo Ku Biiray Xiisada Gobalka Gedo

Barre Hiraan oo Ku Biiray Xiisada Gobalka Gedo

0

Korneyl, Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale), oo horey usoo noqday Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, soona hogaamiyay maamulkii Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin-jiray Kismaayo ayaa maanta kusoo wajahan gobalka Gedo.

Barre Hiiraale ayaa ka gudbay xadka dalalka deriska ah, gobalkan la wadaago xili ay Dawladda Soomaaliya iyo Jubbalandta Kismaayo kuguuldareysteen dadaalo xoog leh oo ay ku doonayeen in maamulkii la magacaabay ka dajiyaan Garbahaaray.

Guriga Ugaaska Beesha Mareexaan, ayaa habeeno kahor weerar lagu qaaday, kaas oo lagu eedeeyey in ay abaabuleen kooxo taabacsan DF & Jubbaland, taas oo kala qeybisay dhinaca gudaha Xukuumadda Federaalka.

Col, Barre Hiiraale ayaa la qorsheynayaa in uu hogaamiyo ciidamo loogu talo-galay xoreynta Bu’aale iyo isku furida gobalada Jubbada dhexe iyo Gedo.

Ad
Previous articleDhacdo yaab leh Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto dhimashada laba muwaadin oo Turkey ah
Next articleShiikh Shariif oo Muqdisho ka Bilaabay Shirar Lana Kulmay Baarlamaanka Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here