Warar ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan magaalada Afgooye ee gobolkaasi, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex-mara gudaha degmadaasi.
Sidoo kale fatahaadan ayaa saameyn xoogleh ku yeelatay dhul beereed ku yaalla halkaasi, ayada oo baabi’isay dhammaan dalagii ku yiilahay halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, waxaana xaafadaha qaar la’isaga kala gooshayaa doomo, sida ay muujiyaan muuqaallo ka imaanaya Afgooye.
Guriyaheena waa kan biyihii ayaa noo soo galay gargaar aan u baahanahay oo deg-deg ah walaalaheena muslimiinta ah inay gacanta naga qabtaan” ayay hooyo kamid ah dadka deegaanka.
Waxaa kale oo ay sii raacisay “Rafaad ayaan ku jirnaa ilmihii haddii aad ka tagtid walwal biya maa kaa qaadi doono, say noqon doonaan? suuq xitaa ma kaa aadi karno”
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda dhexe, Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan shacabka.
“Fatahaadahan waa billow meelihii aan awal ka fileynay ma gaarsiisana illaa hadda laakiin xaaladaha waa iska taagan yihiin, dadka waxaan ugu baaqeynaa inay ka feejignaadaan” ayuu isna yiri guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.