Home Wararka Maanta Baraf aan horey loo arag oo ka da’ay degmooyin ka tirsan dhulka...

Baraf aan horey loo arag oo ka da’ay degmooyin ka tirsan dhulka Soomaalida (Sawirro)

0

Wararka ka imaanaya dawlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in shalay halkaa ay ka de’een baraf iyo dabaylo wada socda, kuwaasoo khasaare gaytay.

Deegaannada u dhaxeeya Wajaale iyo Jigjiga ayey dabaylaha iyo barafka isla socda ku dhufteen, waana markii ugu horrayay ee deegaankaas lagu arko baraf sida dhagaxa oo kale ah sida uu BBC u sheegay Saxane Yuusuf Barkhadle Nuur oo ah guddoomiyaha tuulo la yiraahdo magaalo Qaran oo ka tirsan Aw-barre, halkaasoo xuddun u ah barafka.

“Anigu waxaan maamulka qabalaha joogaa 15 sano, 30 sanana hore ayaan u joogay. Weligey ma arag, dadka 70 jirrada ah iy kuwa 80 jirrada ahna iima aysan sheegin dabaylahan oo kale” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray cimiladu ay aad u qaboobayd “Dadka iyo xoolaha dab baa loo shiday” ayuu sii raaciyey.

“Saacad iyo bar ayey dabaylahaas iyo barafku socdeen, qof kastana meel uu ka galo ayuu raadsaday” ayuu yiri Saxane.

Masaafadii ugu dheerayd ayuu barafkaas fariistay, waana qiyaastii ilaa 10 KM oo u dhaxaysa Gobyarrey oo ka tirsan degmada Aw-Barre iyo Haroreys, isagoo waddada qariyey.

Meelaha ay waxyeelladu soo gaartay waxaa ka mid ah xarun lagu baaro dadka iyo gaadiidka, iyo qaqafka aqallada oo qaar ay dumeen. Sidoo kale waxaa ala sheegayaa in xoolo nool ay waxyeello soo gaartay.

Lama sheegin cid ay waxyeello ka soo gaartay, saacado ka dibna wuu dhalaalay sida ay wararku sheegayaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta deegaannadaas oo aan baraf lagu aqoon uu uga da’ay, laakin dadka daraaseeya arrimaha deegaanka iyo cimilada waxay la xiriirinayaan isbeddelka cimilada.

Ad
Previous articleKarim Benzema iyo Cayaartoyda kale ee sanadkaan xajka tagay
Next articleCali Jeyte oo Shakiyay iskana diiday Casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here