Home Wararka Maanta Bankiga Adduunka oo warbixin xasaasi ah ka soo saaray dhaqaalaha Somalia

Bankiga Adduunka oo warbixin xasaasi ah ka soo saaray dhaqaalaha Somalia

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeyb galay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ayaa sanadkaan diiradda lagu saaray wax ka qabashada dhibaatooyinkii iyo caqabadaha ay leedahay Isbeddelka cimilada oo Soomaaliya dhinacyo badan ka saamaysay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyey shirkan lagu soo bandhigay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2024.

Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyadoo sidoo kalena guullo waa wayn ay ka samaysay arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Warbixintiisa 9-aad taasi oo lagu soo bandhigay sidoo kalena lagu gorfeeyay halista isbeddelka cimilada iyo sida ay Soomaaliya samayn dhinacyo kale duwan ah ugu yeelatay. Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo ka dhashay xiisadaha Gobolka gaar ahaan Badda Cas, dagaalka Ukraine iyo cimilada kulalanaysa”,ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbixinta la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka uu soo bandhigay ayaa lagu xusay in korarka dakhliga gudaha uu kordhay sanadkaan boqolkiiba 3.7% halla Warbixintu odorastay in sanadka 2025 uu kordhayo boqolkiiba 3.9%. Sanadkii hore 2023 ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbxinta inuu boqolkii 3.1% korar ah uu sameeyay dakhliga halka 2022 uu gaaray boqolkiiba 2.4%. Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuucda kale ee muhiimka u ah Nidaamka Guud ee Maamulka Maaliyadda taasoo keentay korar dakhliga gudaha.

Wakiilka Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ayaa ah mid sanadle ah oo lagu qiimayo heerka xaalada horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyo caqabadaha jira,sida loo dhaqangeliyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha kale ee muhiimla ah u ah Maaliyadda Guud.

Ad
Previous articleIsrael oo qorsheyneysa duulaan ballaaran oo ka dhan ah Xoogaga Xisbullah
Next articleCiidamo Itoobiyaan ah oo Doonaayay inay Xoog Guduha Ugalaan Galmudug oo Loo Diiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here