Home Wararka Maanta Balanqaad Culus oo loo Sameeyey Macawislay Dagaal culus KulabJirta Alshabaab(Sawiro)

Balanqaad Culus oo loo Sameeyey Macawislay Dagaal culus KulabJirta Alshabaab(Sawiro)

0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo u balan qaaday cid kasta oo keenta madaxa xubin ka mid ah kooxda Alshabaab in la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo doolar.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda.

Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe.

Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka, waxaana uu u sheegay in cid kasta oo soo disha dhagarqabe Khawaarij ah la gudoonsii doono lacag dhan 5kun oo Doolar, halka loo qiimey doono agabka ay kasoo furtaan.

Ad