Home Wararka Maanta Badri Cabdiraxmaan oo Dhawaan Dilay Cabdullahi Yuusuf oo Xukun Adag lagu Riday

Badri Cabdiraxmaan oo Dhawaan Dilay Cabdullahi Yuusuf oo Xukun Adag lagu Riday

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin.

Badri ayaa loo soo xiray dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay 21-kii November ee sanadkii tegay ee 2023.

Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday tobankii bishii Febraayo ee sanadkaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay ex-Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil dil toogasho.

Xukunka dilka toogasho ee maanta lagu riday ex-Dable NISA Badri Cabdiraxmaan ayaa ah qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo uu si bareer ah ugu dilay magaalada Muqdisho.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Maalmihii u dambeeyay maxkamadda ciidamada ayaa kordhisay xukunnada ay ku rideyso xubnaha loo haysto dilalka, oo u badan kooxda Al-Shabaab, ayna qeyb ka yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda, oo mararka qaar dilal ka geysta caasimada.

Ad
Previous articleSoomaaliland iyo Soomaaliya oo isku Haaya Hawada Soomaaliya iyo Diyaarad israil laga leeyahay oo hawada Soomaaliya lagu Dhibaateeyey
Next articleMeydka gabadhii uu gubay ninkeeda iyo Macalinkii lagu dilay dugsiga ayaa toddobaadyo lagu hayaa qaboojiye Walina aan La aasin Waa imisa Habeenkii Lacagta Ku Baxda Maydadkaas?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here